9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 16, 2024
Xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo maanta isku soo dhiibay ciidanka dowladda
 

Isniin, September, 16, 2024 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ku kala sugan magaalooyinka Ruunirgood iyo Xarardheere ee gobolada Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud ayaa soo bandhigay xubno ka tirsan Al-shabaab oo isku soo dhiibay.

Xubnaha kasoo goostay Al-shabaab ee lasoo bandhigay oo ka kooban sadax xubnood ayaa laba ka mid ah lagu soo bandhigay Ruunirgood, kuwaas oo magacyadooda lagu kala sheegay Aadan Cali Xasan Dhuxulow iyo Axmed Maalin Cabdulle oo kooxda looga dhex yaqiinay Bukabuka.

Labada nin ee lagu soo bandhigay Ruunirgood ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in kooxda Al-shabaab uga soo biireen gobolka Baay oo deegaan ahaan ay kasoo jeedaan, waxayna tilmaameen in kasoo qeyb qaateen dagaalo kala duwan oo ka dhacay gobolada dalka, islamarkaana haatan ay go'aan sadeen iney ka faa'ideystaan cafiska dowladdu fidisay.

Xubanaha isa soo dhiibay waxaa sidoo kale ka mid ah Maslax Maxamed Aadan oo isku soo dhiibay gacanta ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Ninkaan oo isna deegaan ahaan kasoo jeeda degmada Buurhakaba ayaa sheegay inuu kooxda Al-shabaab uga biiray deegaanada Jubbaland, islamarkaana uu ka tirsana kooxdu mudo laba sano ah uuna go'aansaday inuu isaga soo tago Al-sbabaab.

Ugu dambeyntii waxaa mudooyinkii dambe aad u soo kordhaayay xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee isku soo dhiibaya ciidanka dowladda, kadib markii kooxdu cadaadis xoogan kala kulantay ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo laba jibaaray dagaalka ka dhanka ah kooxda.