9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 16, 2024
Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Hay’adda Atoomikada Adduunka ee IAEA
 

Isniin, September, 16, 2024 (HOL) - Shirweynaha 68-aad ee Hay’adda Atoomikada Adduunka ee IAEA oo lagu qabtay magaalada Vienna, ayay Soomaaliya si rasmi ah uga mid noqotay Xubinnimada Hay’addaan.

Hay’adda ayaa la ballaariyay liiska waddamada ku jira, iyadoo laga dhigay 178 dal oo xubno ka ah.

IAEA, ayaa loo aasaasay in ay dhiirigeliso isticmaalka nabdoon ee tamarta nukliyeerka iyada oo laga hortagayo in loo isticmaalo ujeedooyinka milatari, oo uu ku jiro hubka wax gumaada ee nukliyeerka.

IAEA ayaa si weyn u soo dhaweeyay Soomaaliya ku biiritaankeeda ururkan.

Xubnaha Soomaaliya ku matalayay shirkan waxaa ka mid ah Xamza Hadow oo ah Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Cabdiqaadir Xaashi Carabey oo ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta.

Soomaaliya ayaa doonaysa ka qayb-qaadashada ka faa’iidaysiga  tignoolajiyada nukliyeerka, iyadoo loo marayo ujeedooyin nabadeed.