10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 9 , 2024
Xukuumada Somaliland oo ku baaqday in doorashada si bilaa turxaan ah loo galo
 

Arbaco, October, 9, 2024 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa xisbiyada ugu baaqday in doorashada loo galo si bilaa cunfi ah, oo aan dhibaato ka tagin.

Wasiirka Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo waraysi gaar ah siiyay SKY Cable, ayaa mucaaradka usoo jeediyay in cunfiga laga fogaado.

"Saaxiibaday waxan leeyahay si turxaan li'i ah aynu u tartano oo qaranimo ku jirto, kursiga in aynu ku tartano xaq ayaynu u leenahay lakiin yanay noqon mid dal daloolisa qaranimada" ayuu yidhi Wasiir Koore.

Koore waxa uu sheegay in xisbi ahaan ay rajaynayaan in ay markale guul ka gaadhaan doorashooyinka, isaga oo ku andacooday in xukuumada Kulmiye ay qabatay laban laab in ka badan wax qabadyadii ay balan-qaadeen 2017.

Ollolaha doorashooyinka ayaa bilaabmi doona bishan October dhexdeeda, iyada oo markii labaad ay Somaliland ka qabsoomi doonto doorasho isku sidkan, oo ka kooban doorashada madaxtooyada iyo ururada siyaasada.