10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 9 , 2024
Booliiska Soomaaliya oo soo saaray amaro culus oo ku socda dadka ku nool Muqdisho
 

Arbaco, October, 9, 2024 (HOL) - Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa soo saaray amaro la xariira ilaalinta deegaanka iyo amniga oo ku socda dadka ku nool magaalada Muqdisho, waxaana amaradaasi la faray iney dhaqan galiyaan ciidanka amaanka.

Amarada kasoo baxay Booliiska Soomaaliya waxaa ka mid ah go'aankii dhawaan kasoo baxay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada, kaasoo ahaa mid lagu mamnuucay in dalka la keeno, lagana ganacsado Bacaha.

Afhayeenka ciidanka Booliiska Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in talaabo adag laga qaadi doono cidii lagu helo iyadoo ka ganacsaneyso Bacda ama isticmaaleyso.

“Cidii lagu arko Bac ama ka ganacsaneyso waxaa laga qaadi doonaa talaabo adag oo sharciga waafaqsan hada kadib Bacaha waa mamnuuc, waxaa sidoo kale dadka shacabka loo sheegaya iney wax ka dhowraan caafimaadka dadka iyo xoolaha iyo deegaanka ha isticmaalina Bacaha oo isticmaala waxyabaha kale ee ka wanaagsan ee lagu soo badalay Bacaha” ayuu yiri afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdifataax Aadan Xasan.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska ayaa sidoo kale digniin adag u diray kooxaha loo yaqaano Ciyaal weerada oo markale u muuqda iney dib uga soo cusboonaadeen qeybo ka mid ah Muqdisho.

“Cidii lagu arko iyada oo falal ciyaal weero ah ku dhaqaaqeysa, dadka dhibaateyneyso waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan, hooyo iyo aabe ogow ubadkada waxa uu ka shaqeynayo qofkii ciyaal weera ah oo la qabto sharciga ayaa la horgeyn doona" ayuu yiri mar kale afhayeenku

Hadalkaan kasoo yeeray Booliiska Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ciidanka Booliiska Soomaaliya magaalada Muqdisho ka wadeen howlgalo lagu xaqiijinaayay amniga.