Hiiraan Online
12/21/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, Oct 29, 2024
Dowladda Soomaaliya oo diblumaasi katirsan safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya ku amartay inuu dalka si degeg ah uga baxo
Talaado, October, 29, 2024 (HOL) - Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Soomaaliya ayaa sooo saartay amar uu dalka uga baxayo Cali Maxamed Aadan, oo hadda ah qunsul ku xigeenkan labaad ee Safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya.
Diblumaasigan ayaa lagu eedeeyay inuuu ku kacay falal aan waafaqsanayn xilkiisa diblumaasiyadeed, kuwaas oo ay wasaaradda sheegtay inay jebinayaan heshiiska Vienna ee Xiriirka Diblumaasiyadeed (1961), Qodobadiisa 41 iyo 42.
Cali Maxamed Aadan ayaa lagu dhawaaqay inuu yahay “shakhsi aan la rabin” (persona non grata) waxaana loo qabtay iinuu dalka uga baxo 72 saacadood gudahood marka uu helo ogeysiiskan.
Tallaabadan ayay waaaaraddu sheegtay inay marag u tahay sida Soomaaliya ay uga go’an tahay ilaalinta habraaca diblumaasiyadeed ee caalamiga ah iyo difaacidda madax-bannaanideeda qaranka.