1/28/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 29, 2024
Ururka Xisbullaah oo maanta ku dhawaaqay hoggaamiyahooda cusub
 

Talaado, October, 29, 2024 (HOL) - Ururka Xisbullaah ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay hoggaamiyahooda cusub ee badalaya hoggaamiyahii dhawaan laga dilay Ururkaas Sheekh Xasan Nasrullaah.

Xisbullaah ayaa u magacaawday inuu noqdo hoggaamiyahooda cusub Naciim Qaasim oo ahaa xoghaye ku xigeenkii Ururka Xisbullaah, islamarkaana xubin firfircoon kasoo ahaa Ururka tan iyo markii la aas aasay.

Hoggaamiyahaan cusub Naciim Qaasim oo ah 71 sano jir ayaa kasoo jeeda koonfurta dalka Lubnaan, waxuna ka mid yahay hoggaamiyasha Ururka ee ka badbaaday duqeymaha Israa’iil ku beegsanayso madaxda kooxda Xisbullaah.

Magacaabista hoggaamiyahaan cusub ayaa imaaneysa, iyadoo dhamaadkii bishii lasoo dhaafay ee Septembar duqeyn dhanka cirka ah ku dileen ciidanka Israa'iil hoggaamiyahii Ururka Sheekh Xasan Nasrulaah iyo xubno kale oo ka tirsana kooxda.

Ururka Xisbullaah iyo Israa'iil ayaa mudo ka badan 40 sano waxaa soo dhexmaraayay dagaalo xoogan oo dhaliyay khasaaroyin kala duwan, waxaana inta la xasuusto dagaalkii ugu cuslaa uu dhexmaray labadaan dhinac sanadkii 2006-dii.