12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 28, 2024
Booliska Muqdisho oo soo bandhigay saddex qof oo lagu eedeeyay xatooyo
 

Isniin, October, 28, 2024 (HOL) - Ciidamada Boliiska Soomaaliya ayaa howlgalo ay sameeyeen gudaha magaalada Muqdisho, kusoo qabtay sadax nin oo ku eedeysan xatooyo Xoolo dadweyne.

Howlgalka sadaxdaan nin lagu soo qabtay ayaa ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, waxaana qoraal kasoo baxay taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir lagu sheegay in ragaan lasoo qabtay ay kamid yihiin shabakad ku eedeysan xatooyada xoolo dadweyne.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in ragaan ay si gaar ah u xadi jireen xoolaha nool, gaar ahaan Ariga oo ay ku qaadan jireen gaari nooca raaxad ah.

“Ciidanka boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan saldhigga boliiska Wadajir ayaaa soo xiray saddex eedeysane oo kamid ah shakabad ah ku eedeysan xatooyo xoolo dad weyne oo ka mid yihiin xoolaha nool gaar ahaan Ariga” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Booliska qeybta guud ee Banaadir.

Soo qabashad raggan gacanta lagu soo dhigay ayaa la tilmaamay iney surtagaliyeen muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada oo ay duubeen kaamirooyinka CCTV ee dowladda horay u amartay in lagu xiro goobaha ganacsiga iyo guryaha ku yaala wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

Taliska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in ragan la horgeyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga wafaaqsan, waxaana Taliska uu ugu baaqay shacabka reer Muqdisho iney kusoo wargaliyaan wax walba oo lidi ku ah amaanka Muqdisho.