1/28/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 28, 2024
Xiisadaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo dib u dhac ku keenaya dhameystirka howlgalka ATMIS
 

Isniin, October, 28, 2024 (HOL) - Soomaaliya ayaa wajahaysa hubanti la'aan ku saabsan mustaqbalka howlgalka nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika (ATMIS), kaas oo hadda ku guda jira wejigii ugu dambeeyay ee u wareegista dadaallada xasilinta dalka.

Caqabado ay ka mid yihiin maalgelin la’aanta howlgalka cusub, iyo xiisadaha ka dhex jira Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa halis gelin kara qorshaha bixitaanka ATMIS.

Arrintan ayaa soo shaac baxday xilli Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu dhawaan la kulmay madaxda dalalka ay ciidamada ka joogaan ATMIS, sida Burundi, Jabuuti, Uganda, iyo Kenya.

Si kastaba, beesha caalamka ayaan weli isku raacsanayn maalgelinta howlgalka cusub. Qaar ka mid ah xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka walaacsan inay taageeraan qaabka cusub ee howlgalka, halka Mareykanka iyo xulafadiisa muhiimka ahi ay u ololeynayaan in howlgalka cusub ee nabad-ilaalinta la bilaabo sanadka 2026.

Dhanka kale, saraakiil katirsan Qaramada Midoobay ayaa soo jeediyay in ATMIS muddo kordhin loo sameeyo, si dib u eegis loogu sameeyo qaababka howlgalka cusub.

Soomaaliya ayaa ku adkaysatay inay yeelanayso hoggaaminta howlgalka, ayna dooranayso dalalka ciidamada ku biirinaya howlgalka. Ujeeddada ay ka leedahay Soomaaliya ayaa ah in ciidamada Itoobiya aysan qeyb ka noqon,  dalkana isaga baxaan.