10/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 20, 2024
Wasiirkii hore ee Maaliyada Soomaaliya Bayle, iyo Siyaasiyiin kale oo ku biiray xisbiga Waddani
 

Axad, October, 20, 2024 (HOL) - Wasiirkii hore ee maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa ku dhawaaqay in uu si rasmi ah ugu biiray xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani.

Bayle oo dhawaan ka laabtay aragtidiisii 'Soomaali Wayn', oo Somaliland dib ugu soo laabtay kadib sannado badan oo uu wasiir ka ahaa dowlada Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale oo reer Awdal ah ayaa ku dhawaaqay in ay ku biireen xisbiga Waddani.

"Waxaanu go'aansanay in aan xisbigan ka mid noqono, la shaqayno, waxa kale oo aanu ku boorinaynaa dadka kale ee reer Somaliland, in ay iyaguna arrintan naga aqbalaan, oo ay u codeeyaan xisbigan, annagana waxa naga go'an qofka kali ah ee samato bixin kara dalkan in uu yahay Cirro" ayuu yidhi Bayle.

Wasiir Bayle iyo raga kale ee la socday ayaa sheegay in ay mustaqbalka Somaliland ka dhex arkeen xisbiga Waddani, iyaga oo sheegay in xisbigu uu diyaar u yahay in uu wax ka qabto tabashooyinka ay dadka reer Awdal qabaan.

Waxa ay sheegeen in Somaliland ay tahay qorax soo baxaysa, oo lagu soo hiran karo, isla markaana loo bahanyahay in maalinba cidii ku haboon taladeeda loo dhiibo.

Xisbiga Waddani ayaa bilihii u danbeeyay soo jiitay taageerada siyaasiyiin badan oo reer Somaliland ah, xisbigan oo ah ka ugu wayn axsaabta mucaaradka Somaliland, ayaa xusul duub ugu jira sidii uu ugu guulaysan lahaa talada Somaliland.