10/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 20, 2024
Sarkaal ka tirsanaa ciidanka dowladda oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho
 

Axad, October, 20, 2024 (HOL) - Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil galinki hore ee maanta loogu geystay gudaha magaalada Muqdisho sarkaal ka tirsanaa ciidanka Booliiska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ee Haramcad.

Sarkaalkaan oo lagu magacaabi jiray Hanad Axmed Muuse ayaa lagu dilay hoygiisa oo ku yaala xaafada Macalin Nuur ee degmada Dharkeeey ee magaalada Muqdisho.

Dilka sarkaalkaan ayaa warar soo baxaya waxay sheegayaan iney geysteen askar kale oo ka tirsan ciidanka dowladda, kuwaas oo marxuumka ku toogtay gurigiisa dhexdiisa.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka loo geystay sarkaalkaan iyo waxa uu salka ku haayo, mana jirto ilaa iyo hada wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka ee dowladda oo ku aadan dilka loo gaystay sarkaalkaan oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo dhawaan kasoo laabtay tababar uu kusoo qaatay dalka Turkiga.

Si kastaba ha ahaate Muqdisho iyo magaaloyin kale oo ka mid ah dalka waxaa mararka qaar ka dhaca dilalka ay isku gaystaan ciidamada dhexdooda, waxaana badana sababa dilalkaas isku dhacyo dhexmara iyo murano soo kala dhex gala.