10/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 18, 2024
Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay iney ku guuleysatay kordhinta dhaqaalaha iyo yareynta Faqriga
 

Jimco, October, 18, 2024 (HOL) - Wasiirka Wasaarada Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay kobcinta dhaqalaha iyo yareynta faqriga.

Wasiir Beene Beene oo la hadlaayay waraabinta Qaranka ayaa sheegay in dowladda labadii sano ee lasoo dhaafay xoogga saartay yareynta faqriha, islamarkaana hoos loo dhigay 15%.

Wuxuu sidoo kale xusay Wasiirka Qorsheynta in dhinaca kobaca dhaqaalaha dalka kor loo qaaday oo uu gaaray 4.7 marka loo eego halbeegga lagu cabiro heerka wax soo saarka.

"Mudada aan xafiiska joogno ee labada sano ah waxaa ku guuleysanay yareynta faqriga iyo kor u qaadista kobaca dhaqaalaha, taasina waxay ku timid dadaal dheeraad ah oo ay dowladdu ku bixisay dhankaas" ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Wasaaradda Qorsheynta Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya ayaa intaasi ku daray n dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay iney mudnaanta siiso hagaajinta amniga dalka la dagaalanka faqriga iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.