10/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 18, 2024
Gabar Soomaaliyeed oo ku guuleysatay doorashada kursi gole deegaan oo ka dhacday dalka Belgium-ka
 

Jimco, October, 18, 2024 (HOL) - Gabadhaan oo asalkeedu yahay Soomaali oo haysata dhalashada dalka Belgium-ka ayaa ku guuleysatay doorasho ka dhacday magaalada Leuven ee dalkaasi Belgium-ka.

Sahra Maxamed Khaliif ayaa ku guuleystey kursiga Baarlamaanka ee golayaasha deegaanka magaalada Leuven, kadib tartan doorasho adag ay la gashay xubno kale.

Sahra Maxamed ayaa noqoneysa gabadhi ugu horeysay oo Muslim ah, Soomaali ah, islamarkaana soo galooti ah oo jagadaasi ku guuleysta.

Gabadhaan Soomaaliyeed ee la doortay ayaa wareysi ay bixisay ku sheegtay iney ku faraxsan tahay guusha ay ka gaartay doorashada lagala tartamay, waxayna xustay in wax badan usoo qabatay dadka kunool magaalada Leuven, gaar ahaan dadka soo galootiga ah ay ku jiraan Soomaalida.

"Waan ku faraxsanahay inaan ku guuleystay kursiga golayaasha deegaanka oo ah kursi muhiim ah anigoo ah gabar Muslim ah oo Soomaali ah, wax badan wan usoo qabtay dadka soo galootiga Somalida ku jirto, hadana waxaan u qaban doona inta dhiman oo ay ka mid yihiin dumarka Muslimka ah iney shaqo tagi karaan iyagoo xijaaban" ayay tiri Sahra Maxamed.

Waxay sidoo kale tilmaamtay gabadhaan Soomaaliyeed iney furi doonto xarumo wax badan loogu qabto dadka ka xanuunada maskaxda iyo kuwa xaaladaha kale ay lasoo darsaan ee ku dhibaateysan dalka Belgium-ka gaar ahaan gobolka laga doortay.

Doorashada gabadhan Soomaaliyeed ay kusoo baxday ayaa ka mid noqoneysa doorashooyin, sanadahii dambe ka dhacaayay dalal badan oo ka mid ah qaaradda Yurub oo ay si weyn uga soo dhex muuqanayeen wiil iyo gabdho asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya.