10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 15, 2024
Maxamed El-amine Suef: Howlgalka ATMIS wuxuu wajahayaa caqabado dhaqaale oo khatar ku ah mustaqbalkiisa
 

Talaado, October, 15, 2024 (HOL) - Madaxa howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), Maxamed El-Amine Souef, ayaa sheegay in howlgalka ATMIS uu wajahayo dhibaatooyin dhaqaale oo xooggan oo khatar gelinaya mustaqbalka howlgalkan.

Warbixin qoraal ah oo uu la wadaagay Al Jazeera, Souef ayuu shaaca kaga qaaday in ATMIS ay la daalaa dhacayso caqabado ba'an oo dhanka miisaaniyada ah oo ay xitaa ka fakarayso in ay joojiso howlgalka sababo la xiriira la’aanta maalgelin ku filan.

Souef waxa uu xusay in haatan in howlgalka uu la daalaa dhacayo bixinta magdhowga dhibaatooyinka ay geystaan ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS.

Sannadkii hore, Souef wuxuu sheegay in ATMIS ay u baahan tahay ugu yaraan $2 milyan oo taageero deeq-bixiye ah si loo daboolo sheegashooyinka magdhowga.

Sheegashooyinkan, oo gaaraya 80 xaaladood oo ay ku lug leeyihiin nabad-ilaaliyeyaasha, ayaa isugu jira dhacdooyin dhimasho iyo dhaawacba leh, kuwaas oo sii xoojinaya xiisadaha ka dhex aloosan ciidamada caalamiga ah iyo bulshooyinka maxalliga ah.

xaaladahan waxaa ka mid ah xasuuqii 2021 ka dhacay deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo dad badan oo beeralay ah lagu xasuuqay, taasoo keentay welwelka ballaaran ee ku aaddan la xisaabtan la’aanta  nabad ilaaliyaasha ku sugan deegaannada ay colaaddu ka jirto.

Xasuuqaas ayaa mugdi geliyey howlgallada ATMIS, taasoo keentay su’aalo ku saabsan mas’uuliyadda ciidamada caalamiga ah ee ilaalinta rayidka iyo xaqiijinta caddaaladda.