10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 15, 2024
Dowladda Soomaaliya oo deeq waxbarasho siinaysa 30 kamid ah ardayda Suudaan ee colaaduhu saameeyeen
 

Talaado, October, 15, 2024 (HOL) - Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa dhawaaqday furitaanka deeqo waxbarasho loo fidinayo 30 kamid ah ardayda Suudaan ee doonaya in ay waxbarasho sare ka helaan Soomaaliya.

“Dowladda Suudaan waxa ay ka mid tahay dowladaha aan la ilaawi karin ee dalkeenna iyo dadkeenna soo garab istaagay dhanka u fidinta deeqaha waxbarasho ee tacliinta sare, xilli aysan dalkeenna ka jirin dowlad Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Tallaabadan ayay wasaaraddu ku sheegtay inuu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo iskaashiga aqooneed iyo dhaqan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Suudaan. Iyadoo wasaaraddu sheegtay inay fursad cusub siinayso ardayda labada waddan.

Dhinaca Kalena Safaarada Soomaaliya ee Sudan ayaa bogaadisay go'aanka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, ee ku aaddan in deeq waxbarasho loo fidiyo ardayda reer Sudan.

“Tani waa talaabo muhiim ah oo ay Soomaalidu ku muujineyso taageerada walaalahooda Sudan, iyadoo colaadda ka jirta dalkaas ay sababtay in Jaamacadaha dalka ay inta badan xirmaan, taasoo saameyn weyn ku yeelatay waxbarashada ardayda,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda.

Safaaradda waxay sheegtay in go’aankan uu sidoo kale ah muujinayo mahadnaq iyo abaalmarin loogu talagalay shacabka reer Sudan, kuwaas oo waqti dheer ka shaqeynayay badbaadinta ardayda Soomaaliyeed ee waxbarasho la'aanta ku dhacay markii burburka dowladdii dhexe ee Soomaaliya uu saameyn ku yeeshay nidaamka waxbarashada.