10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 14, 2024
Amb. Axmed Ciise Cawad: Xulufaysiga ay Soomaliya la sameysatay Masar iyo Eritrea waa mid aan sii socon doonin oo lagu degdegay
 

Isniin, October, 14, 2024 (HOL) - Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Ambassador Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay in uusan wax badan sii jiridoonin xiriirka xulufaysiga ah ee ay Soomaaliya la yeelatay Eritrea iyo Masar, isaga oo ku tilmaamay mid lagu degdegay.

Amb. Cawad, oo ka hadlayay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya waxa uu sheegay, in aysan jirin wax sabab ah oo Soomaaliya ku kalifiya in ay isbahaysi weyn la yeelato Masar iyo Eritrea.

"Annagu waxaanu rabnaa inaan helno maamul dimuqraadi ah oo taladu dadku leeyahay, oo dadka xuquuqda loo ilaaliyo, oo deris wanaag adduunka kula dhaqanta. Masar iyo Eritrea waa dalal ay ka taliyaan hoggaamiyayaal kali talis ah oo dadkooda cunaha ku dhegan," ayuu yiri Ambassador Cawad.

Cawad ayaa sidoo kale tilmaamay in xiriirka Soomaaliya ee Eritrea iyo Masar uu yahay mid aan waari karin, isla markaana uu ku xiran yahay xiriirka dalalkan iyo Ethiopia sida uu ahaan doono.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in danaha Masar iyo Eritrea kala dhaxeeya Ethiopia ay ka xooggan yihiin danaha kala dhaxeeya Soomaaliya.

Cawad ayaa jeediyay in Madaxweynaha Soomaaliya uu xoogga saaro midnimada gudaha dalka, halkii uu dalalka aan danaha weyn ku lahayn Soomaaliya uu xiriir la sameyn lahaa.

Wuxuu ku booriyay dowladda Soomaaliya in ay xoogga saarto isku xirnaanta iyo dib u heshiisinta dadka gudaha si loo mideeyo shacabka, loogana hortago damaca Ethiopia ee ku saabsan Soomaaliya.