10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 14, 2024
Dagaal u dhaxeeya laba Maleeshiyo beeleed oo ka dhacay degmada Luuq
 


Isniin, October, 14, 2024 (HOL) - Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalka oo laba maleeshiyo beeleed Xalay ku dhexmaray gudaha magaalada Luuq ee gobolka Gedo.

Dagaalka oo qarxay fiidnimadii hore ee Xalay ayaa ahaa mid labada maleeshiyo beeleed ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa oo si weyn u qalqal galiyay dadka ku nool xaafadaha magaaladaas.

Weli si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaan dib uga dhex qarxay labadaan maleeshiyo beeleed oo dhawaan uun la dhex dhigay heshiis nabadeed oo ay hormuud u hayeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Fedaraalka iyo maamulka Jubbaland.

Si kastaba ha ahaatee heshiiskii nabadeed ee la dhex dhigay labadaan beelood ayaa hada u muuqda mid burburay, kadib markii maalmo ka hor nin laga dilay mid ka mid ah labada beelood dilkaas ayaana abuuray in mar kale uu dib qarxo dagaalka Xalay dib uga dhex qarxay labadaan beelood.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka ka imaanaya degmada Luuq ayaa sheegaya in wali labada maleeshiyo beeleed ay isku horfadhiyaan goobahii ay ku dagaalameen, islamarkaana xili walba la filan karo inuu dib u qarxo dagaalka.

Lasoco wixii kusoo kordha wararkan.