10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 12, 2024
Ciidanka Macawiisleeyda oo weerar khasaare geystay ku qaaday Saldhiga Al-shabaab ee degmada Ceelbuur
 

Sabti, October, 12, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysnaa oo ciidamada deegaanka ku qaadeen Saldhiga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo ay gacanta ku hayaan kooxda Al-shabaab.

Weerarka ciidanka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda ku qaadeen Saldhiga Al-shabaab ee degmada Ceelbuur ayaa lasoo wariyay inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhawaac oo gaaray kooxda.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Macawiisleeyda ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka lagu dilay xubin ka mid ah Al-shabaab, mid kalana uu ku dhaawacmay, isagoona sheegay in wax khasaare ah soo gaarin dhankooda.

Ujeedka weerarka ciidanka Macawiisleeyda ee Saldhiga degmada Ceelbuur ayaa lagu sheegay inuu ahaa in Saldhigaasi ay kasoo furtaan dad shacab ahaa oo kooxdu dhawaan halkaasi ku xirtay, waxaana la sheegay in Saldhiga kala soo baxeen Macawiisleyda xubnahii uga xirnaa.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Al-shabaab ay shacabka ku nool degmada Ceelbuur iyo deegaanada ku dhadhaw iney ku cadaadinayaan iney keenaan dadkii lagala baxay saldhiga degmada Ceelbuur iyo raggii weerarka ku qaaday ee baxsaday.

Weerarkaan ciidanka deegaanka ku qaadeen Saldhiga Ceelbuur ee kooxda Al-shabaab ayaa ah maanta mid si weyn looga hadal haayo deegaanada gobolka Galgaduud, maadama weerarka noocaan ah uu yahay mid naadir ku ah meelaha Al-shabaab ku xoogan tahay.