10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 12, 2024
Kenya oo amartay qaxootiga inay soo celiyaan baasaboorradooda bisha Oktoobar ama ay wajahaan masaafurin
 

Sabti, October, 12, 2024 (HOL) - Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya ayaa amartay qaxootiga iyo dadka magangelyo-doonka ah in ay ku soo celiyaan baasaboorradooda ama dukumentiyada safarka bisha Oktoobar dhammaadkeeda, haddii kale ay wajihi doonaan inay lumiyaan qaxootinimada iyo in la masaafuriyo.

Amarkan ayaa ka dambeeyay markii qaar ka mid ah qaxootiga ay ku safraan baasaboorrada waddamada ay ka soo jeedaan, taas oo dhalisay walaac ku saabsan ku xadgudubka nidaamka qaxootinimada.

Qaxootiga ayaa haysta 30 maalmood si ay u fuliyaan amarka cusub, sida uu sheegay John Burugu, oo ah Madaxa Arrimaha Qaxootiga ee Kenya.

“Waaxda Adeegyada Qaxootiga waxay mamnuucday in qaxootigu isticmaalaan baasaboorrada dalalkooda asalka ah, sababtuna waa walaaca ku saabsan isticmaalka khaldan,” ayuu yiri Burugu.

“Haddii aan la raacin amarkan, waxay keeni doontaa tallaabooyin sharci oo culus, oo ay ku jiraan luminta xaaladda qaxootinimada iyo suurtagalnimada in dalka laga masaafuriyo," ayuu hadalkiisa ku daray.

Amarkan cusub wuxuu saameyn weyn ku leeyahay qaxootiga Soomaalida oo ah tiro badan, kuwaas oo badankood ka soo cararay amni-darrada iyo abaaraha soo noqnoqda ee Soomaaliya. Inta badan qaxootiga Soomaalida waxay ku nool yihiin xerada Dhadhaab, halka kuwa kalena ay ku jiraan Kakuma.

Burugu wuxuu intaas ku daray in qaxootiga u baahan inay dibadda u safraan ay heli karaan dukumentiyada Adeegyada Qaxootiga, kaasoo xaqiijinaya in qaxootiga ay haystaan fursado sharci oo ay ku safri karaan, iyagoo raacaya amarka cusub.

Hoggaamiyeyaasha qaxootiga Soomaalida ayaa walaac ka muujiyay xeerarka cusub. Cabdullaahi Cali Aadan, oo ah guddoomiyaha xerada qaxootiga ee Dhagaxley, ayaa sharaxay in haynta xaaladda qaxootinimada iyo baasaboorka Soomaaliyeed ay hadda noqotay arrin sharci oo adag, sababo la xiriira xubinimada Soomaaliya ee EAC.

Cabdullaahi wuxuu sidoo kale sheegay in waqtiga loo qabtay uu yahay mid kooban. “Waxaan codsanay waqti dheeraad ah sababtoo ah dad badan oo qaxooti ah ayaa u baahan baasaboorka si ay u safraan ganacsi ahaan, mana fududa in qaxooti ahaan la helo dukumentiyada safarka. 30 maalmood waa waqti aad u yar,” ayuu yiri.

Mas'uuliyiinta Kenya ayaa la kulmay hoggaamiyeyaasha qaxootiga Soomaalida si ay uga wada hadlaan arrimahan, waxayna ballan-qaadeen in ay dib u eegayaan xaaladda. Wadahadallo u dhexeeya mas’uuliyiinta Kenya iyo dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay toddobaadka soo socda dhacaan si looga codsado in muddada la kordhiyo.