11/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 8 , 2024
Dowladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celisay dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xanibneyd dalka Tunisia
 

Jimco, November, 8, 2024 (HOL) - Dowlada Soomaaliya ayaa dalka ku soo celisay 24 qof oo laga soo badbaadiyey gacanta kooxaha sida sharci darrada ah u dhibaateeya muhaajiriinta ee dalka Tunisia ka hawlgala.

Marwo Maryan Yaasiin Yuusuf  Ergeyga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Soogalootiga iyo Xuquuqda Carruurta ayaa sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay u taagan tahay dib usoo celinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee iyagu ku dhibaaateysan wadamada Libiya ama Tunisia kuwaasi oo mararka qaarkood gacanta u gala kooxaha magafayaasha ee madax furashada ka qaata waalidiinta Soomaaliyeed.

Dib usoo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dibaddaha ku dhibaateysan waxaa maalgalisay Midowga Yurub, waxaana  marwo. Maryan Yaasiin Yuusuf ay ka mahadcelisay garab istaaga Midowga Yurub ee fulinta barnaamijkan dalka dib loogu soo celinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dibedda ku xanibnaa. Waxey sidoo kale ay u mahadcelisay hay’adaha kale ee gacanta ka geystay fududeynta barnaamijkan.

Shaqo la'aanta dalka ka jirta iyo dagaalada sukeeye ee dalka soo maray ayaa dhalinyaro badan waxa ay ku qasabtay inay dalkoodi ka haajiraan iyagoo miciin biday wadamada Libya iyo Tunisia inay maraan iyagoo naftooda ku biimeenaya badda, si ay Yurub u tagaan balse inta ay howshaasi ku jiraan ayaa mararka qaar waxaa dhacda inay gacanta u galaan Kooxo magafayaal ah oo lacago madax furasho ah ku xujeeya ka safridoodi wadamadaasi.