11/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 8 , 2024
Fahad Yaasin oo soo bandhigay Xalka Raysal Wasaare Xamse iyo Axmed Madoobe
 

Jimco, November, 8, 2024 (HOL) - Taliyihii hore ee Nabad Sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin ayaa ka hadlay Khilaafka siyaasadeed ee dhex taalla Jubaland iyo Dowlada Federaalka waxaana uu ku tilmaamay imtixaankii ugu halista badnaa ee taabanaya mustaqbalka Raysal Wasaaraha Soomaaliye Xamse Cabdi Bare oo degaan ahaan kasoo jeeda Jubaland.

Fahad Yaasiin ayaa shaaca ka qaaday in Dhan walba oo laga joogsado Raysal Wasaare Xamse ay u furan tahay dhowr qodob oo ku sheegay sida hoos ku xusan. 

1. In uu Axmed Madoobe soo qanciyo, kuna soo celiyo madasha, sidaasna uu ku damiyo xiisada taagan.

2. In Raysal Wasaare Xamse uu muujiyo awooddiisa, siyaasad ahaan iyo degaan ahaan labadaba, uuna caddeeyo in Jubaland aysan ahayn xarun siyaasadeed oo Axmed Madoobe kaligiis u furan.  

3. In uu ku dhawaaqo inuusan haysanin awood dowladeed oo uu wax ku maquuniyo ama galaangal qaraabannimo oo uu kursiga kusii haysto, duruuftana ay ku kaliftay inuu noqdo nabadoon deeqsi ah, sidaasna uu ku sadaqeeyo kursigiisa.

Waxaa soo badanaya hadal haynta culeeyska siyaasadeed ee Rw Xamse ka haysta arinta Jubaland maadama ay waqti saxiibo dhow ay ahaayeen Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, ilaa haddana si ma uusan ka hadalin xalka Jubaland waxa uu noqon karo.