11/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 7 , 2024
Ciidamada PMPF oo lagu eedeeyay inay gacan siiyaan ajaanibta jarriifka kawada xeebaha Puntland
 

Khamiis, November, 7, 2024 (HOL) - Ciidamada la dagaalanka burcad badeedda Puntland ee loo yaqaano PMPF ayaa lagu eedeeyay inay maraakiibta iyo doonyaha shisheeye u fududeeyaan inay jarriif ka geystaan xeebaha Puntland.

Maleyshiyaad is abaabulay oo ka caraysan tallaaabadan ayaa laga cabsi qabaa inay isku dhacaan ciidamada PMPF, kaddib markii ciidamadu xirxireen koox kalluumaysato ah, inkastoo markii dambe lasii daayay.

Saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada ayaa lasoo galiyay codka mid kamid ah salaadiinta dhaqanka Puntland oo ku baaqayay in kaluumaysatadu qoryaha qaataan iskana dhiciyaan ciidamada PMPF iyo ajaanibta sida sharci darrada ah uga kalluumaysanaysa xeebaha Puntland.

Beeldaaje Ismaaciil Baaldaaje Yaasiin oo kamid ah  ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in ciidamada PMPF ay xirxireen kalluumaysato kasoo jeeda deegaankiisa, kuwaas oo uu sheegay inay u diideen inay xeebaha ka kalluumaystaan.

“Waxaan idin leeyahay badda gala. Iskasoo saara ciidanka PMPF. Amar waxaan ku siinayaa saraakiisha beeshayda inay ka degaan doonyaha ciidamada PMPF. Qof kastoo qori haysta waa inaad diyaar garowdaa,” sidaasi waxaa yiri Beeldaaje Ismaaciil.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka Puntland ayaa lagu eedeeyay inuu maraakiibta iyo doonyaha shisheeye u sharciyeeyay inay kalluumaysi ka sameeyaan xeebaha Puntland.

Kalluumaysatada deegaanka ayaa ka cabanaya in kalluumaysatada ajaanibta ah ay shabaakadahood ka gooyaan, sidoo kale ay ka kalluumaysanayaan meelihii loogu talo galay kalluumaysata degaanka.