Hiiraan Online
12/21/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 7 , 2024
Xildhibanaadii ugu badnaa ee labada aqal ee BFS ee laga soo doortay Jubaland oo gaaray Kismaayo
Khamiis, November, 7, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sheegaya in maanta intii ugu badneeyd ee xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya kasoo galay degaanada Jubaland ay gaareen Magaalada Kismaayo kuwaasi oo aqbalay casuumaad shir wadatashi ah uu ugu yeeray Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.
Wararka waxa ay intaa ku darayaa in amaanka guud ee magaalada Kismaayo si aad ah loo adkeeyay maadama ay Todobaadka soo socda ay martigelin doonto Shirka u dhaxeeya Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, Golahiisa Wasiirada iyo Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Maamulka Jubaland waxaana ay ka arinsan doonaan siyaasadda guud ee xiligaan uu dalka marayo.
Xildhibaanadaan maanta ka degay garoonka diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan waxaa kaga hortagay oo si diiran usoo dhoweeyay Wasiirka Warfaafinta Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar iyo xubna kale oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Jubaland.
Shirkaan waxaa la filayaa intiisi ugu badan in lagu gorfeeyo khilaafka ka dhex jira Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Jubaland, waxaana laga soo saari doono bayaan uu ku qeexan yahay mowqifka guud ee Jubaland iyo Xildhibaanada degaanaasi laga soo doortay ee ku aadan wada shaqeynta Dowladda federaalka Soomaaliya.