12/22/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 28, 2024
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo codsi u dirtay Interpol si loogusoo gacan geliyo Axmed Madoobe
 

Khamiis, November, 28, 2024 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u dirtay hay’adda Interpol codsi ku saabsan soo saarista digniin caalami ah (Red Notice) oo ka dhan ah Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Dowladda Soomaaliya  ayaa ku eedeysay Axmed Madoobe khayaano qaran, la shaqeynta dowlado shisheeye, iyo carqaladeynta midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.

Red Notice-ka oo ay Interpol soo saarto waa codsi caalami ah oo ku saabsan qabashada qof loo haysto dacwad, balse ma ahan amar xabsi ah oo toos ah. Dalabka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhigan tallaabo siyaasadeed oo ku qotonta in la helo taageero caalami ah si Axmed Madoobe loo horgeeyo cadaaladda.

“Codsiga digniinta caalamiga ah wuxuu Dowladda Federaalka Soomaaliya uga dhigan yahay inay Axmed Madoobe ku calaamadaysay dambiile caalami ah, kaasoo lagu qaban karo dal kasta oo xubno ka ah Interpol,” ayuu yiri Aman Obsiye, garyaqaan fadhigiisu yahay gobolka Minnesota ee Mareykanka.

Dowladda Federaalka ayaa si cad ugu eedeysay Axmed Madoobe inuu la shaqeeyay hay’ado shisheeye oo ujeedadoodu tahay carqaladeynta dadaallada midnimada Soomaaliya iyo inuu si ula kac ah u faafiyay xog sir ah oo khatar ku ah amniga qaranka.

Mas’uuliyiinta Federaalka ayaa ku doodaya in dhaqanka Axmed Madoobe uu wiiqayo dadaallada lagu hirgelinayo nidaamka doorashada hal qof hal cod ah oo Jubaland si weyn uga soo horjeeday.

Maanta oo Khamiis ah, Axmed Madoobe iyo maamulkiisa weli wax jawaab ah kama aysan bixin codsiga caalamiga ah ee dowladda. Si kastaba ha ahaatee, ilo ku dhow maamulka Jubbaland ayaa ku tilmaamay eedeymaha mid siyaasadeysan oo loogu talagalay in lagu wiiqo madax-bannaanida dowlad goboleedyada.