12/22/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 28, 2024
Soomaaliya oo saxiixday heshiiska wadamada iskaashiga islaamka ee la dagaalanka Musuq maasuqa
 

Khamiis, November, 28, 2024 (HOL) - Shirka arrimaha la dagaalanka Musuqmaasuqa ee lagu soo gaba gabeeyay magaalada Dooxa ee Dalka Qatar, waxa ay wadamada iskaashiga islaamka ku saxiixeen heshiiska MAKA ee la dagaalanka Musuq maasuqa waxaana Dowladda Soomaaliya u saxiixay heshiiskaan Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macalin Maxamuud.

Wasiir Xasan Macalin ayaa sheegay in heshiiskaan uu caddeyn u yahay sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo horumarinta cadaaladda.

Inta ugu badan Shirkaan waxa ay madaxdii ka qeyb gashay ay isku dhaafsadeen fikrado iyo soojeedimo ku saabsan sidii ay wadamadaan ay u yeelan lahaayen iskaashi farsamooyinka la-dagaallanka musuqmaasuqa, si loo gaaro yoolalka guud ee lagu xaqiijinaayo cadaaladda iyo hufnaanta hay’adaha Dowliga ah.

Wasiir Xasan Macallin waxa uu shaaca ka qaaday baahida loo qabo iskaashi ballaaran oo heer caalami ah si loo ilaaliyo cadaaladda loona yareeyo musuqmaasuqa, asagoo soo bandhigay dadaallada Dowladda Soomaaliya ay ka waddo hormarinta hufnaanta iyo la-xisaabtanka hay’adaha dowliga ah.

Shikaan Dooxa kusoo gaba gaboobay oo ahaa mid heer Wasiir ah wadamada ururka iskaashiga islaamka waxaa diirada lagu saaray kor u qaadista iskaashiga ka dhaxeeya dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa, laguna dhiirrigeliyo isla-xisaabtanka iyo hufnaanta hay’adaha Dawliga ah.

Soomaaliya waxa ay safka hore kaga jirtaa wadamada uu la degay musuq maasuqa, waxaana sanadihii dambe ay ahayd mid safka hore ka hogaamisa warbixinada caalamiga ah ee laga soo saaro wadamada ay la degeen musuq maasuqa, sidaas ay tahayna Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtaa inay ku dadaalayso inay dalka ka ciribtireyso musuq maasuqa iyadoo dhowr qof oo mas'uuliyiin dowladda kujira xitaa maxkamad loogu soo taagay eedeymo musuq maasuq la xiriiray.