11/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 1 , 2024
SSC Khaatumo oo Somaliland ku eedaysay in ay nabadgalyo daro ka abuurayso gobolka
 

Jimco, November, 1, 2024 (HOL) - SSC Khaatumo ayaa Somaliland ku eedaysay masuuliyada dagaal maalintii labaad oo is daba jooga ah ka dhacay aaga Qorilugud.

Wasiirka Warfaafinta SSC Khaatumo Najiib Barkhadle, ayaa warbaahinta Laascaanood u sheegay in ciidamada Somaliland ay weeraro kusoo qaadeen difaacyada ciidankooda shalay iyo maanta.

"Waxa fadhiisimada ciidankayaga weerar kusoo qaaday maleeshiyada gooni u goosadka ah ee maamulka Hargaysa, weerarka iyo daan daansiga waxay kala kulmeen jab, mar labaad maanta waxa weerar laba jiho ah soo qaaday maleeshiyada gooni u goosad ka ah, mar labaad waxay la kulmeen khasaare iskugu jira naf iyo maalba" ayuu yidhi Barkhadle.

Waxa uu sheegay in xukuumada Somaliland ay wado daandaansi ay kaga dhuumanayso doorashada, lakiin gaadiid iyo maxaabiisba laga qabtay ciidanka Somaliland sida uu sheegay, kuwaas oo warbaahinta loosoo bandhigi doono.

"Waxaanu sheegaynaa in ay qaadi doonaan masuuliyada colaada ay joogteeyeen maamulka Hargaysa, oo noqday maamul fidno ku ah nabadgalyada Geeska Afrika" ayuu hadalkiisa sii raaciyay Barkhadle.

Ugu danbayn, waxa uu ugu baaqay ciidamada SSC Khaatumo in ay galaan heegan buuxa, isla markaana ay iska diifaacaan weerar kasta.

Dagaalkan oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSB oo dhinac ah, iyo kuwa SSC Khaatumo, ayaa maalintii labaad galay, iyada oo dhinac waliba uu sheegtay guul.