1/27/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 1 , 2024
Dowladda Turkiga oo Soomaaliya ku wareejisay Doomo dagaal oo dheereeya


Jimco, November, 1, 2024 (HOL) - Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cumar Cali Cabdi ayaa Safiirka dowladda Turkiga u jooga Soomaaliya kala wareegay afar doomo oo loogu tala galay ciidamada Badda Soomaaliya.

Munaasabadda doomahan ay kula wareegtay Soomaaliya oo ka dhacday Dekada weyn ee magaalada Muqdisho waxaa ka qeyb galay Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Taliye ku xigeenka ciidanka Dhulka, Taliyaha ciidanka Badda, iyo saraakiil kale.

Afarta doomood ee Turkiga ku wareejiyay Soomaaliya ayaa la tilmaamay in noocoodu yahay kuwa aad u dheereeya oo loo adeegsan doono sugitaanka amniga xeebaha Soomaaliya.

Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya oo hadal ka jeediyay munaasabada ayaa tilmaamay in doomahaan ay gacan ka geysan doonaan xoojinta amaanka xeebaha Soomaaliya, isagoo xusay in taageerada Turkiga ay sii kordhayso tan iyo wixii ka dambeeyay sanadkii 2011.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi ayaa u mahadceliyay dowladda Turkiga, wuxuuna sheegay in doomahaan ay wax weyn ka tari doonaan dagaalka lagula jiro kooxaha halista ku ah amniga badda Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Wasiir Cumar Cali ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed iney ka faa’iidaystaan khayraadka badan ee dhex yaala xeebaha dalka Soomaaliya.