4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 28, 2024
Alshabaab oo sheegtay inay gacanta ku dhigeen diyaaradaha wax basaasa ee Drone-ka
 

Khamiis, Maarso, 28, 2024 (HOL) - Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay diyaarad aan duuliye lahayn oo ay sheegtay inay basaasaysay goobahooda.

Diyaaradan ayaa waxaa soo saartay Textron Systems oo ah shirkad fadhigeedu yahay dalka Mareykanka.

Waxaa loo maleynayaa inay diyaaraddan leeyihhiin ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya jooga oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka maamula saldhigga Balli-doogle.

Bishii January ee sanadkan ayay ahayd markii Alshabaab ay gacanta ku dhigeen diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay leedahay Qaramada Midoobay, taasi oo ay la socdeen labo nin oo Soomaali ah iyo dhowr Ajaanib ah, kadib markii ay si deg deg ah ugu degtay deegaan ay maamusho kooxda Alshabaab.

Diyaaradan ayaa cillad la kulantay wax yar uun ka dib markii ay ka soo duushay magaalada Beledweyne, waxayna ku degtay meel dhow tuulada Xiindheere ee gobolka Galguduud.