4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2024
Muqdisho: 4 qof oo shacab ah oo ku geeriyooday gaari xamuul ah oo ku dul rogmaday gaari caasi ah
 

Arbaco, Maarso, 27, 2024 (HOL) - Ugu yaraan 4 qof ayaa ku geeriyooday shil gaari oo galabta galinkii dambe ka dhacay isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, ka dib markii gaari xamuul Konteenar ah uu ku dul-rogmaday gaaro BL.

Ciidanka ilaalada nabadgalyada waddooyinka ee Taraafiko ayaa ku howlan gurmadka shilkaas gaari oo ka dhacay Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidanka ilaalada waddooyinka Korneyl Muuse Kheyr oo la hadlay Warbaahinta dowladda sheegay in shilkaan uu dhacay xilli waddadu ay ahayd mid sax badan, taasoo adkaysay in markiiba gurmad la sameeyo.

“Darawalka Gaariga oo ka badbaaday shilka wuxuu noo xaqiijiyay in gaariga ay saarnaayeen afar qof, kuwaas oo dhamaantood dhintay, hadda ayaan meydka kasoo saarnay gaariga, walina waan xaqiijinaynaa haddii ay jiraan dad kale oo waxyeello kasoo gaartay shilka, madaama aan ku howlanahay gurmadka,” ayuu yiri taliye Muuse Kheyr.

Saxmada gawaarida xamuulka ah ayaa bishan Ramadaan aad u korortay. Dowladda ayaa horey gaadiidka xamuulka qaada uga mamnuucday inay xilliyada qaar adeegsadaan waddooyinka mashquulka badan, hase ahaatee weli arrintaas ma dhaqan galin.