4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 26, 2024
Soomaaliya oo soo dhaweysay Qaraarka Golaha Ammaanka ee xabbad-joojinta degdegga ah ee Gaza
 

Talaado, Maarso, 26, 2024 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasoo ku baaqaya xabbad-joojin degdeg ah oo ka dhacda Gaza.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibbadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in tallaabadani ay tahay mid horey loogu qaaday nabadda iyo xasilloonida gobolka.

“Soomaaliya waxay si adag ugu ololaynaysaa in la soo afjaro iskahorimaadka Marinka Gaza, in si nabad ah dadka barakacayaasha ah loogu celiyo guryahoodii, iyo in la xaqiijiyo xal macquul ah oo laba dal ah. Nabad waarta oo gobolka ka dhalata waxaa lagu heli karaa wada hadal dhab ah iyo is ixtiraam,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in Soomaaliya ay ku boorrisay in dhinacyada ay khuseyso ay ka go’an tahay in la taageero si loo xaqiijiyo in lagu guuleysto qaraarkan.