1/6/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 16, 2024
Ciidamada Hindiya oo gacanta ku dhigay burcadbadeed Soomaali ah oo saarnaa markabka Ruen
 

Sabti, Maarso, 16, 2024 (HOL) - Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda Hindiya ayaa qabtay markabka xamuulka ah ee Ruen, waxayna ka dalbadeen burcadbadeedda Soomaalida ee markabka la socday inay isa soo dhiibaan, sida uu afhayeen u hadlay ciidamada badda maanta oo Sabti ah.

Burcadbadeedda oo la sheegay inay afduubteen markabka xamuulka qaada oo ka babanaayay calanka Malta 14-kii bishii December, ayaa rasaas ku furay markabka ciidamada badda ee marayey biyaha caalamiga Jimcihii.

Ciidamada badda ayaa ugu baaqay burcad badeeda inay isa soo dhiibaan oo ay sii daayaan markabka iyo cid kasta oo rayid ah oo ay gacanta ku hayaan.

Burcad badeeda Soomaalida ee qabsaday markabkan bishii December ayaa laga yaabaa in ay u isticmaaleen la wareegidda markab xamuul oo ka babanaya calanka dalka Bangaladesh oo marayay xeebaha Soomaaliya todobaadkan, sida ay sheegeen ciidamada badda Midowga Yurub.

Ugu yaraan 17 dhacdo oo ah afduub, ama isku day afduub ayay ciidamada badda Hindiya diiwaan galiyeen tan iyo bishii December, sida ay sheegeen saraakiisha Hindiya.

Hindiya ayaa ugu yaraan toban maraakiib dagaal ah geysay bariga badda cas bishii Janaayo si ay u sugaan ammaanka badda, waxayna ku guulaysteen inay sugaan  ammaanka in ka badan 250 markab.