Hiiraan Online
11/25/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 10, 2024
Diyaarad Helicopter ah oo ay leedahay Qaramada Midoobay oo gacanta u gashay Alshabaab
Arbaco, January, 10, 2024 (HOL) - Diyaarad Helicopter ah oo uu leedahay howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa gacanta ku dhigay kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay galabta si lama filaan ah ugu degtay dhulka ay gacanta ku hayaan kooxda Alshabaab.
Ugu yaraan lix ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee la socday diyaaraddaan ayaa haatan waxaa gacanta ku haya kooxda Alshabaab.
Diyaaradan oo nooca qumaatiga u kaca ah ayaa ku degtay meel u dhow deegaanka Gadoon ee gobolka Galgaduud cilad farsamo awgeed, sida lagu sheegay qoraalka Qaramada Midoobay oo ay aragtay warbaahinta Aljazeera.
Sida ku cad qoraalka, diyaaradda waxaa saarnaa sagaal rakaab ah oo ay ku jiraan shaqaale militari iyo qandaraasle.
Lix ka mid ah ayaa la sheegay in kooxda Alshabaab ay kaxeysteen halka 2 qof oo rakaab ah ay baxsadeen welina ay maqan yihiin.
Dhammaan duullimaadyadii Qaramada Midoobay ayaa si ku meel gaar ah loo hakiyay ilaa amar dambe.
Dhalashada dadka la socday diyaaradda, ayaan weli caddayn. Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin wararkaasi.