4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 9 , 2024
Dhacdo argagax leh oo ka dhacday degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho
 

Jimco, February, 9, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Xalay halkaasi ay ka dhacday dhacdo si weyn looga argagaxay oo saakay laga hadal haayo xaafadaha degmadaas.

Dhacdaan naxdinta leh ayaa timid kadib markii hooyo iyo wiilkeeda oo dhalinyaro ah ay tooreey ku dileen aabihii qoyska.

Dilka tooreyda loo adeegsaday oo ay geysteen wiilka adeerka loo ahaa iyo hooyadiis ayaa yimid kadib markii khilaaf gacan ka hadal ahaa uu dhexmaray marxuumka la dilay iyo xaaskiisa.

"Hooyo iyo aabe ayaa markii hore isku buuqay oo aabe ayaa feer isha uga dhuftay hooyo, kadibna hooyo qolka ayay gashay waxay wacatay wiilkeeda weyn oo banaanka ku maqna markii yimid hooyo iyo isaga aabe ayay toorey ku bilaabeen aabana banaanka ayuu u cararay oo inuu dhintay uma maleyn lakiin dhiig bax ayuu bananka ugu dhintay" ayuu yiri wiil yar oo ay wada dhaleen hooyada dilka geysatay iyo aabaha la dilay.

Ninka la dilay ayaa la sheegay inuu ka mid ah ganacsatada yar yar ee wax ku iibisa hareeraha Isgoyska Sanca ee degmada Kaaraan, waxaana dilkiisa uu qeyb ka noqonaya dilalka argagaxa leh ee bishaan gudaheeda ka dhacay Muqdisho iyo Shabeellaha Hoose.

Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ku aadan dilkaan naxdinta leh ee xalay loo gaystay ninkaan.