2/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 8 , 2024
Wasiiradda Difaaca dalalka Turkiga iyo Soomaaliya oo heshiis muhiim ah kala saxiixday
 

Khamiis, February, 8, 2024 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga kulan kula qaatay dhigiisa dalkaas Yaşar Güler.

Wasiiradda Difaaca dalalka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ka wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal, amniga gobolka iyo la dagaalanka kooxda Al-shabaab.

Labada Wasiir ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiis muhiim ah oo la xariira dhinaca Difaaca iyo dhaqaalaha.

"Waxaan wada sixiixaney heshiis taariikhi ah ee Difaaca iyo Dhaqaalaha oo sii xoojin doono amniga Soomaaliya iyo kan Gobolka" ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa uga mahadceliyey dowladda Turkiga taageerada walaalnimo ee mar walba ay la garab taagan yihiin shacabka iyo dowlada Soomaaliya.












Click here
2/8/2024 11:28 AM EST
Khamiis, February, 8, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa laga helaya dhacdo naxdin leh oo maanta ka dhacday degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho, taasoo ah in haweeney ay maanta dishay ninkeedii.

2/8/2024 6:12 AM EST
Khamiis, February, 8, 2024 (HOL) - Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa kulankoodii toddobaadlaha ahaa ku ansixiyay 10 Safiir oo Soomaaliya uga howlgali doona qaar kamid ah dalalka caalamka.

2/8/2024 3:05 AM EST
Khamiis, February, 8, 2024 (HOL) - Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay soo qabashada eedeysanihii lagu eedeeyay inuu nolasha ku gubay xaaskiisa, kaasoo hay’adda NISA ay kasoo qabatay isagoo baxsad ah degaano katirsan gobolka Mudug.

2/8/2024 1:52 AM EST
Khamiis, February, 8, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan iyo nawaaxigeeda ayaa sheegaya in halkaasi maalmahii lasoo dhaafay xoolo badan u dhinteen cudur la garan waayay noociisa iyo waxa sababa.

2/8/2024 1:42 AM EST
Khamiis, February, 8, 2024 (HOL) - Ciidamada Itoobiya oo aan ka mid ahayn howlgalka Midowga Afrika ayaa bandow habeenkii ah ka dhaqan galiyay degmada Doolow ee xadka Soomaaliya.