2/22/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 8 , 2024
Qaramada Midoobay soo dhoweysay soo qabashada ninkii xaaskiisa nolasha ku gubay
 

Khamiis, February, 8, 2024 (HOL) - Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay soo qabashada eedeysanihii lagu eedeeyay inuu nolasha ku gubay xaaskiisa, kaasoo hay’adda NISA ay kasoo qabatay isagoo baxsad ah degaano katirsan gobolka Mudug.

“UN-ku waxay soo dhoweynayaan sida ay uga go'an tahay Soomaaliya inay baaraan oo ay maxkamadeeyaan xad-gudubyada ku saleysan jinsiga,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Waxay ku booriyeen dowladda Soomaaliya in la sii wado tillaabooyinka lagu xaqiijinayo in lala xisaabtamo kuwa geysta dhammaan dambiyadaas. Waxay kaloo UN-ku  tacsi u direena qoyska marxuumadda Luul Cabdicasiis.

Sayid Cali Macalin Daa’uud ayaa xaaskiisa oo xaamilo ahayd nolasha ku gubay, kadibna wuxuu u baxsaday gobollada dhexe ee dalka, halkaas oo dabagal dheer kaddib gacanta lagusoo dhigay isagoo ku dhuumalaysanaya meelo jiq ah si uu uga baxsado hay’adaha amniga.

Eedeysanaha oo Muqdisho lagusoo celiyay ayaa baaris kaddib waxaa la filayaa in maalmaha soo socda la horkeeno caddaaladda, si dambigiisa loogu qaado.












Click here
2/8/2024 11:28 AM EST
Khamiis, February, 8, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa laga helaya dhacdo naxdin leh oo maanta ka dhacday degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho, taasoo ah in haweeney ay maanta dishay ninkeedii.

2/8/2024 9:04 AM EST
Khamiis, February, 8, 2024 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga kulan kula qaatay dhigiisa dalkaas Yaşar Güler.

2/8/2024 6:12 AM EST
Khamiis, February, 8, 2024 (HOL) - Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa kulankoodii toddobaadlaha ahaa ku ansixiyay 10 Safiir oo Soomaaliya uga howlgali doona qaar kamid ah dalalka caalamka.

2/8/2024 1:52 AM EST
Khamiis, February, 8, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan iyo nawaaxigeeda ayaa sheegaya in halkaasi maalmahii lasoo dhaafay xoolo badan u dhinteen cudur la garan waayay noociisa iyo waxa sababa.

2/8/2024 1:42 AM EST
Khamiis, February, 8, 2024 (HOL) - Ciidamada Itoobiya oo aan ka mid ahayn howlgalka Midowga Afrika ayaa bandow habeenkii ah ka dhaqan galiyay degmada Doolow ee xadka Soomaaliya.