2/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 7 , 2024
Lix ka mid ah Al-shabaab oo ku geeriyootay qarax ay ku diyaarinayeen gobolka Hiiraan
 

Arbaco, February, 7, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax galinkii dambe ee shalay ka dhacay guri ku yaala deegaanka Beera yabaal oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo jugtiisa aheyd mid aad u xoogan ayaa laga maqlay meelo ka fog deegaanka, waxaana la sheegay in qaraxaasi uu ku qarxay xubno ka tirsan Al-shabaab oo guriga ku dhex diyaarinaayay.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in qaraxa ay ku dhinteen lix ka mid ah xubnaha Al-shabaab ee qaraxaasi ku diyaarinaayay gurga dhexdiisa.

“Ilaa iyo Lix Khawaarijta ka tirsan ayaa ku geeriyooday qarax ay sameynayeen, Halka Dhaawaca uu gaarayo 4 dhagarqabe. Xili ay ku sugnayeen Guri ku yaala Degaanka Beera yabaal oo ka tirsan Gobolka Hiiraan” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowlada Soomaaliya.

Deegaanka Beera yabaal ee gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah deegaanadii kooxda A-shabaab laga xureeyay sanadkii lasoo dhaafay, waxaana haatan xaalada deegaankaasi ay tahay mid degan.












Click here
2/7/2024 3:35 PM EST
Arbaco, February, 7, 2024 (HOL) - Abwaan Nageeya Cali Khaliif oo muddo saddex bilood ah la weysanaa, ayaa markii ugu horraysay caawa kasoo muuqday warbaahinta Alfurqaan ee ay leeyihiin kooxda Alshabaab.

2/7/2024 9:31 AM EST
Arbaco, February, 7, 2024 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani ayaa sheegay in aan sharciga loo marin xadhiga Abwaan Cabdiraxmaan Aadan Ibraahin (Abees), oo shalay Maxkamada Degmada Hargaysa ay sannad iyo lix billood ku xukuntay.

2/7/2024 9:03 AM EST
Arbaco, February, 7, 2024 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in la qabtay shidaal badan oo laga bixinayay Dowlad degaanka Soomaalida loona waday Jubbaland Soomaaliya, sida lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Facebook ku leeyihiin Ciidamada Millitariga Itoobiya.

2/7/2024 4:52 AM EST
Arbaco, February, 7, 2024 (HOL) - Askar katirsan ciidamadii lagusoo tababaray dalka Eritrea, ayaa maanta xirtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, iyagoo ka cabanaya mushaar la’aan.

2/7/2024 2:33 AM EST
Arbaco, February, 7, 2024 (HOL) - Waxaa sii kordhaya khasaaraha nafeed ee ka dhashay qaraxyo maalintii shalay ka dhacay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

2/7/2024 2:09 AM EST
Arbaco, February, 7, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay Xalay ku dileen gudaha degmadaas haweeneey caan ka aheyd.