4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 15, 2024
Dowladda Mareykanka oo shan saldhig ciidan ka hirgelineysa gudaha Soomaaliya


Khamiis, February, 15, 2024 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta heshiis muhiim ah kula saxiixatay dowladda Mareykanka xerada Xalane ee magaalada Muqdisho oo ay ku dhex taalo Safaarada Mareykanka.

Heshiiska oo ahaa mid dhanka Militariga ah waxaa kala saxiixday Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo sii hayaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, waxaana goob joog ahaa madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ku xigeenka Kaaliyaha Xogahaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika.

Heshiiska ayaa la xariira dhinaca dhismaha ila 5 xerooyin ciidan oo ay dowladda Mareykanka ka horgelineyso gudaha dalka, islamarkaana ay isticmaali doonaan ciidamada Mareykanka ay tababaraan ee Kumaandooska Danab.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay munaasabada heshiiska ayaa tilmaamay in heshiiskan uu horseed u noqon doono in dowladda Maraykanka ay kordhiso taageerada iyo tababarrada ciidamada Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada sida gaarka ah ay u tababaran ee Danab.

“Heshiiskan waxa uu ka gacansiinayo dowladda Soomaaliya qorsheyaasha dib u habaynta iyo tayeynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab iyo xaqiijinta amniga, waxa uuna faray xubnaha ka soo jeeda dhanka dowladda Soomaaliya ee guddiga isku-dhafka ah ee Labada dal in ay mudnaan weyn siiyaan fulinta heshiiska” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xerooyinka cusub ayaa la sheegay in dowladda Mareykanka ay ka hergelin doonto maamulada Galmudug, Hirshabeelle, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo gobolka Banaadir gaar ahaan magaalooyinka kala ah Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Jowhar iyo Dhuusamareeb.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyay taageerada iyo garab istaagooda ku aadan dhismaha ciidanka iyo horumarinta dowlad dhiska Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka waxay horay saldhig ciidan ugu laheyd garoonka ciidamada Cirka ee Balli doogle iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaana halkaas laga haga howlgalada dhinaca cirka ah oo ay diyaaradaha Mareykanka ka geystaan goobaha Al-shabaab kaga sugan yihiin Soomaaliya.