4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 15, 2024
Xafiiska xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo sheegay in maxkamad la horgeeyay eedeysanaha loo haysto inuu xaaskiisa gubay
 

Khamiis, February, 15, 2024 (HOL) - Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedeysan inuu nolasha ku gubay xaaskiisa oo xaamilo ahayd, ayaa maantay oo khamiis ah la horgeeyay maxkamadda gobolka Banaadir.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in maxkamadaynta eedeysanaha ay si degdeg ah u bilaaban doonto.

Maxkamaynta eedeysanaha ayaa timid, iyadoo qoyska marxuumad Luul Cabdicasiis ay shalay ka cabanayeen caddaalad darro ku saabsan in aan eedeysanaha la hor keenin caddaaladda.

Aabbaha marxuumadda ayaa sheegay, maydka gabadhiisu inay weli ku jirto talaagad qaboojiye ah, isagoo sheegay inuu aasayo markii ay gabadhiisu hesho caddaalad.

Waxa uu sheegay markii eedeysanaha Muqdisho la keenay in kiiska hoos loo dhigay.

Isla shalay, hay’adda NISA oo eedeysanaha soo qabatay, gacantana ku haysay ayaa ku wareejisay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dalka.