4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 15, 2024
Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka warbixisay kulamo wafdi ka socda dowladda u joogaan Itoobiya
 

Khamiis, February, 15, 2024 (HOL) - Wasiiru Dawlaha ahna ku simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Balcad iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa magaalada Addis Ababa kaga qayb galay shirar kala duwan oo hordhac u ah kulanka guud ee sanadlaha ah ee Midowga Africa.

Kulamada qabsoomay waxaa qayb muhiim ah ka ahaa shir ay isugu yimaadeen guddiga qaabilsan nidaaminta iyo qorshaynta jagooyinka kala duwan ee Midowga Africa oo ay u tartamaan madaxda iyo dalalka Africa, guddigaas oo ay xiligan hoggaanka u hayso dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulankan waxaa sidoo kale ka qayb galay Danjiraha Soomaaliya ee dalka Itoobiya Cabdullaahi Maxamed Warfaa, saraakiil sar-sare oo kamid ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS iyo diplomaasiyiin katirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalka Ethiopia.

Guddiga ayaa shirkooda kaga arrinsaday  orshayaasha taagan ee hortebinta u leh dalalka ku bahoobay Midowga Africa, iyagoona soo bandhigay wadamada iyo madaxda Afrika ee sanadkan u baratamaya jagooyin badan oo ay tartan xoog leh ugu jiraan qaar kamid ah dalalka Africa oo ay Soaomaaliya ku jirto.

Kulanka guddiga oo ay shir guddoominaysay Soomaaliya ayaa si gaar ah loogaga hadlay dedaalka iyo tartanka ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ugu jirto hanashada iyo hogaaminta Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada Midowga Africa ee sanadaha 2025-2026.