4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 14, 2024
Maamulka gobolka Banaadir oo mamnuucay xerashada marada loo yaqaano Af-saabka
 

Arbaco, February, 14, 2024 (HOL) - Maamulka gobolka Banaadir ayaa mamnuucay xirashada marada Af-saabka ee loo yaqaano Facemask, taas oo si aad ah loo isticmaali jiray xilliyadii uu jiray cudurkii Koroona Virus.

Afhayeenka gobolka Baaadir, Saalax Dheere ayaa sheegay, mamnuucista Af-saabka in lagu go’aamiyay shirkii amniga caasimadda oo uu madaxweyne Xasan Sheikh shir guddoominayay, kaasoo looga hadlayay dardar galinta arrimaha amniga,

Afhayeenka gobolka Banaadir wuxuu sheegay isticmaalka Af-saabka in loo arko inuu yahay aalad uu qofku isaga qarinayo laamaha amniga,  isagoo sheegay inay ku dhuuntaan dambiilayaasha amni darrada ka geysta magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, maamulka gobolka Banaadir ayaa mamnuucay isticmaalka Koofiyadaha, nuucyadooda kala duwan marka laga reebo kuwa loo yaqaano Barawaaniga ama koofiyadda sunnada.

Wuxuu sheegay, koofiyaduhu inay ka qeyb ka qaataan arrimaha amni darrada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ciddii ku xad gudubta awaamiirta kasoo baxay shirka amniga in laga qaadi doono tallaabo.