4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 14, 2024
Dowladda Mareykanka oo xaqiijisay in ay Soomaaliya ka taageereyso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab
 

Arbaco, February, 14, 2024 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in Soomaaliya ay ka taageereyso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo ku nuux nuuxsatay in ay ka go’an tahay dadaallo kala duwan oo dhanka ammaanka ah.

Maraykanku wuxuu sheegay inuu tababaro iyo qalabayn muhiim ah siiyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee Guutada Danab.

Wadashaqeynta ayaa lagu soo bandhigay wadahadal u dhaxeeyay wakiillo ka socda Mareykanka iyo Taliyaha Difaaca Soomaaliya, Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, wada hadalkaas  oo ka dhacay Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.

“Mareykanku waxa uu Soomaaliya ka taageeraa dadaallada lagu wiiqayo Al-Shabaab iyadoo loo marayo kaalmooyin kala duwan oo dhanka amniga ah oo ay ka mid yihiin in ay tababaro iyo qalabayn siiyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab,” sidaasi waxaa yiri safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa 6-February-2024 ugu deeqday Saddex Gaari oo kala ah Machadka Tababarka Garsoorka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee maamulka Hirshabeelle.