4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 13, 2024
Qoyska marxuumad Luul Cabdicasiis oo walaac ka muujiyay in aysan gabadhooda caddaalad helin
 

Talaado, February, 13, 2024 (HOL) - Qoyska marxuumad Luul Cabdicasiis Jasiira oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin caddaalad helidda gabadhooda oo loo haysto inuu gubay Saygeeda.

Aabbaha marxuumadda ayaa sheegay in eedeysanaha gubay gabadhiisa la doonayo la difaaco oo aan caddaaladda la horkeenin.

Wuxuu sheegay in maydka gabadhiisa ay weli ku jirto tallaagad, uuna aasayo illaa iyo inta ay caddaalad ka helayso gabadhiisa.

Aabbe Cabdicasiis wuxuu sheegay inuu ka dalbanayo dowladda Soomaaliya in eedaysanaha sharciga loo horkeeno, si ay meesha uga baxdo tuhunka ay ka qabaan in eedeysanaha xabsiga lagu hayo kadibna lasii daayo.

Cabdicasiis waxa uu sheegay in haba yaraatee aysan dhicidoonin inuu wadahadal ama diyo ka qaato dilka gabadhiisa.

“Annaga shaki ayaa na galay, hay’adihii shalay soo qabtay in lagu haysto oo la rabo in lasii daayo eedeysanaha ayaa nasoo gaartay, waxaan madaxweynaha ka rabnaa isagaa dalkaan imaam u ah, inuu caddaaladda keeno ninkaas,” sidaasi waxaa yiri qoyska marxuumadda.

Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ahaa seyga marxuumadda ayaa lagu eedeeyay inuu xaaskiisa Luul Cabdicasiis gubay, kadibna uu baxsaday. Hay’adaha amniga ayaa kasoo qabtay Koonfurta gobolka Mudug.

Weli caddaaladda lama horkeenin tan iyo markii eedeysanaha dib loogusoo celiyay magaalada Muqdisho dhowr cishe kahor.