4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 13, 2024
Puntland: Qaranimada Soomaaliyeed iyo dastuurka, Xasan Sheikh iyo koox yar uu wato ma beddeli karto
 

Talaado, February, 13, 2024 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa si adag uga horyimid tallaabooyinka dowladda federaalku waddo ee ay ku doonayso inay wax kaga beddesho dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka.

Wasiirka caddaaladda Puntland, Maxamed Cabdi Wahaab ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheikh uu doonayo inuu meesha ka saaro heshiiska  dowladnimada Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay horseedayso inuu dalku galo qalaalase siyaasadeed iyo mid amni.

Wasiirka caddaaladda Puntland wuxuu sheegay, in Puntland ay ogoshahay wax ka beddelka dastuurka in loo maro waddo sax ah oo waafaqsan cutubka 15-aad ee dastuurka, kaasoo sheegaya in wax ka beddelkiisa loo maro habraac uu dastuurku sheegayo oo ah in heshiis iyo wadatashi loo dhan yahay laga sameeyo.

“Madaxweynaha iyo dowladdiisa waxay waxay Xamar ka wadaan waxay ummadda u keenaysaa dib u dhac. waxay keenaysaa in dastuurkii ama qoraalkii keli ah ee 50 sano kaddib dadka Soomaaliyeed ku heshiiyeen ay maanta daaqadda ka saarayaan, oo waddo sharci darro ah u marayaan. Taas ma shaqeynayso, Qaranimada Soomaaliyeed iyo dastuurka, Xasan iyo koox yar uu wato ma beddeli karto,” ayuu yiri wasiirka caddaaladda.

Wasiirku wuxuu sheegay haddii dowladda federaalku si sharci darro ah wax uga beddesho dastuurka in Puntland aysan aqoonsan doonin kuna dhaqmi doonin wax ka beddelkaas.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in laga digtoonaado tallaabo kaste oo mugdi galin kara qaranimada iyo midnimada dalka Soomaaliyeed.