4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 13, 2024
Wasiir Fiqi oo kulan xasaasi ah la qaatay Xildhibaano iyo siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Awdal
 

Talaado, February, 13, 2024 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa kulan gaar ah la qaatay Xildhibaanada labada gole ee kasoo jeeda gobolka Awdal oo ay wehliyaan siyaasiyiin deegaankaas ah.

Wasiirka ayaa masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta reer Awdal ugu horeyn uga mahadceliyay sida ay ugu soo horjeesteen damaca Itoobiya ay ku dooneyso iney ku qaadato qeyb ka mid ah dhulka iyo biyaha Soomaaliya.

Axmed Macalin Fiqi ayaa sido kale kulanka ka sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah lagu waajaho difaaca gobonimada iyo midnimada dalka .

Xildhibaannada labada gole iyo siyaasiyiinta reer Awdal ayaa dhankooda sheegay inay  diidan yihiin ayna marnaba aqbali doonin damaca soo jireenka ah ee Itoobiya ku dooneyso iney ku yeelato bad, islamarkaana ay uga go’an tahay ka hortaga damaca Itoobiya iyo difaaca dhulka Soomaaliyeed, .

Gabagabadii Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya aya hoosta ka xariiqay in dowladda Fedaraalka marnaba aysan gorgortan ka gali doonin wadajirka dhulkeeda iyo Midnimada dadkeeda.

Bilowgii bishii Janaayo ee sanadkaan ayay aheyd markii dowladda Itoobiya ay heshiis kula gashay magaalada Addis Ababa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Heshiiskaas oo ahaa in Itoobiya ay hesho qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya, taasi badal keedana ay Somaliland u aqoonsaneyso dowlad madax banaan, waxaana heshiiskaas si weyn uga horyimid dowlada Soomaaliya iyo in ka badan 120 dal.