4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 13, 2024
Saxiimad ay la socdeen burcad badeed Soomaali ah oo kusoo caaridday xeebaha gobolka Mudug
 

Talaado, February, 13, 2024 (HOL) - Saxiimad sidday koox burcad badeed ah oo dhawaan ay gacanta ku dhigeen ciidamada badda ee dalka Hindiya ayaa kusoo caariday xeebaha Puntland, sida uu HOL u sheegay qof ku sugan degaanka Garacad ee gobolka Mudug.

Burcad badeedda oo ahaa 11 qof ayaa muddo dhowr maalmood ah badda kusoo jiray, iyagoo qaarkood qaba dhaawacyo jireed oo ay u geysteen ciidamada badda Hindiya.

Sida ay noo sheegeen ilo xog ogaal ah, ciidamada Hindiya ayaa burcad badeedda kusii daayay meel aad uga fog xeebaha Soomaaliya, waxayna ciqaab uga dhigeen inay saxiimad doloosha kusoo guraan kaddibna ay badda kusii daayaan. Hase ahaatee, dhowr maalmood oo ay badda kusoo jireen saxiimadda ayaa kusoo caaridday xeebta Kulub oo katirsan Garacad.

Saxiimadda oo ay saarnaayeen 11 qof, waxaana mid kamid ah kooxdaas oo qaba dhaawac daran lagu dabiibayaa isbitaalka Garacad,

Waxay sheegeen in hal qof uu kaga dhintay iska hor imaadkii ay la galeen ciidanka badda Hindiy. Dadka degaanka ayaa gurmad u fidiyay.