3/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 12, 2024
Muqdisho: Macalin Iskuul oo Maanta loo dilay arday uu canaantay darteed
 

Isniin, February, 12, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta halkaasi lagu dilay Macalin Iskuul oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Maclow Abiikar.

Cabdiraxmaan Maclow ayaa Macalin ka ahaa Iskuulka Siidii ee ku yalaa degmada Wadajir, waxaana la sheegay in loo dilay gabar ardayad ah uu canaantay darteed, waxana ku eedeysan dilka gabarta uu canaantay walaalkeed oo lagu magacaabo Xasan Maxamed Maxuud oo dilka u adeegsaday Tooreey.

Maamulaha Iskuulka Siidii ee degmada Wadajir Cali Maxamed Xayle oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in Macallinka la dilay uu gabadhada ardayada aheyd uu buug madaxa kaga dhuffay isago oo canaananaya, islamarkaana gabadha ay intaasi ka carootay oo ay u sheegtay walaalkeed.

“Macallinka ayuu ag tagay isaga oo aan la hadlin haraanti ayuu ku dhuftay, markii uu istaagay macallinka, Naaska bidixda ayuu Tooray ka galiyay oo ah wadnaha dhankiisa” ayuu yiri maamulaha Iskuulka Siidii Cali Maxamed Xeyle.

Eedeysanaha geystay dilka Macalinka ayaa la si deg deg ah uga baxsaday goobta, waxaana halkaasi dilka kadib gaaray askar ka tirsan ciidanka amaanka degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, hayeeshee uma suurta galin iney gacanta kusoo dhigaan eedeysanaha.

Muqdisho waxaa kusoo badanaayay maalmahii ugu dambeeyay dilalka aragagaxa leh, waxaana sidaan oo kale laba Wiil iyo Hooyadood laba laamin ka hor ay Toorey ku dileen ninkii qabay Hooyadood oo ayagana Adeer u ahaa, kuwaas oo ay baadi goobayaan ciidamada amaanka.












Click here
2/12/2024 6:23 AM EST
Isniin, February, 12, 2024 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa shaki ka muujiyay nidaamka ay golayaasha sharci dajinta Somaliland u wadaan ansixinta xeerka doorashooyinka ee Xeer Lr 91.

2/12/2024 5:49 AM EST
Isniin, February, 12, 2024 (HOL) - Baarlamaanka federaalka Soomaaliya labadiisa aqal ayaa ka doodaya wax ka bedelka afar cutub oo kamid ah qodobada ugu horeeya ee Dastuurka KMG ah.

2/12/2024 4:35 AM EST
Isniin, February, 12, 2024 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta gaaray magaalada Godey si uu xariga uga jaro Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Miraad Layli ee magaalada Godey, oo qaybo cusub lagu daray isla markaana dib u habayn casri ah lagu sameeyay.

2/12/2024 2:17 AM EST
Isniin, February, 12, 2024 (HOL) - Xulka kubadda cagta dalka Ivory Coast ayaa Xalay ku guuleystay koobka kubadda Cagta Qaramada Afrika oo ay marti galineysay.

2/12/2024 1:24 AM EST
Isniin, February, 12, 2024 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa saaxiibada Caalamiga ah ayaa duqeymo culus ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

2/12/2024 1:08 AM EST
Isniin, February, 12, 2024 (HOL) - Puntland ayaa xalay magaalada Boosaaso ka fulisay howlgal ka dhan ah dadka kasoo jeeda Itoobiya ee u badan qowmiyadda Oromada, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay si aad ah ugusii qulqulaya halkaas.