3/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 12, 2024
Duqeyn lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacday Jubbada Hoose
 

Isniin, February, 12, 2024 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa saaxiibada Caalamiga ah ayaa duqeymo culus ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Duqeyntaan ayaa la sheegay in lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan Ururka Al-shabaab oo ku dhuumaaleysanaayay deegaano dhaca jiinka Wabiga.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay maleeshiyaad iyo horjoogayaal ajaaniib ah.

Qoraalka kasoo baxay dowladda laguma sheegin magacyada horjoogayaasha ajaaniibta ah ee lagu dilay duqeynta laga fuliyay deegaanada hoostaga degmada Jamaame.

Ciidamada dowladda oo taageera dhanka cirka ah ka helaya saaxiibada Caalamiga ayaa duqeymo noocaan oo kale ah ka geysta inta badan goobaha ay ku sugan yihiin kooxda Al-shabaab.












Click here
2/12/2024 9:50 AM EST
Isniin, February, 12, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta halkaasi lagu dilay Macalin Iskuul oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Maclow Abiikar.

2/12/2024 6:23 AM EST
Isniin, February, 12, 2024 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa shaki ka muujiyay nidaamka ay golayaasha sharci dajinta Somaliland u wadaan ansixinta xeerka doorashooyinka ee Xeer Lr 91.

2/12/2024 5:49 AM EST
Isniin, February, 12, 2024 (HOL) - Baarlamaanka federaalka Soomaaliya labadiisa aqal ayaa ka doodaya wax ka bedelka afar cutub oo kamid ah qodobada ugu horeeya ee Dastuurka KMG ah.

2/12/2024 4:35 AM EST
Isniin, February, 12, 2024 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta gaaray magaalada Godey si uu xariga uga jaro Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Miraad Layli ee magaalada Godey, oo qaybo cusub lagu daray isla markaana dib u habayn casri ah lagu sameeyay.

2/12/2024 2:17 AM EST
Isniin, February, 12, 2024 (HOL) - Xulka kubadda cagta dalka Ivory Coast ayaa Xalay ku guuleystay koobka kubadda Cagta Qaramada Afrika oo ay marti galineysay.

2/12/2024 1:08 AM EST
Isniin, February, 12, 2024 (HOL) - Puntland ayaa xalay magaalada Boosaaso ka fulisay howlgal ka dhan ah dadka kasoo jeeda Itoobiya ee u badan qowmiyadda Oromada, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay si aad ah ugusii qulqulaya halkaas.