4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 11, 2024
Mareykanka oo si adag u Cambaareyay weerarkii ka dhacay Xerada Jenaraal Gordan ee Muqdisho
 

Axad, February, 11, 2024 (HOL) - Safaaradda dowladda Mareykanka ay ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa ka hadashay weerarkii Xalay ka dhacay xerada Jenaraal Gordan ee magaalada Muqdisho, kaasoo lagu dilay saraakiil u dhalatay dalka isutaga Imaaraadka Carabta.

War qoraal ah oo kasoo baxay Safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa ugu horeyn looga tacsiyadeeyay dadkii ku geeriyooday weerarka ka dhacay xerada Jenaral Gordan ee lagu dilay saraakiil iyo askar.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii ku naf waayay weerarkii foosha xumaa ee argagixisanimo ee shalay lala beegsaday tababarayaasha ciidamada Imaaraatka Carabta iyo askarta Soomaaliyeed ee sida geesinimada leh uga shaqeeya horumarinta xasiloonida dalka" ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka oo lagu daabacay barta X.

Warsaxafadeedka ayaa sidoo kale dowladda Mareykanka waxay ku cambaareysay weerarka, iyadoona sheegtay iney ka go'an tahay taageerada dadaalada dib loogu dhisayo nabada Soomaaliya.

Warkaan kasoo baxay Mareykanka ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Xalay askari uu xerada Jenaraal Gordan guduheeda rasaas ooda uga qaaday saraakiisha imaaraadka iyo ilaaladooda.

Weerarkaas ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen afar ruux oo sadax ka mid u dhasheen Imaaraadka  iyo askari ka tirsan ciidamada Baxrayn, waxaana ku dhaawacmay laba kale oo ka tirsan tababarayaasha militari ee Imaaraadka Carabta.