4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 11, 2024
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo Dubia uga qeybgalay shirka sanadlaha ah hay'addaha Maaliyadda Carabta
 

Axad, February, 11, 2024 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo ku sugan dalka Isutaga Imaaraatka Carab ayaa ka qeyb galay furitaanka shirka sanadlaha ah ee horumarinta dhaqaalaha hay'addaha Maaliyadda ee dalalka Carabta.

Wasiirka Maaliyadda ayaa la wadaagay hay'adaha Maaliyadda Carabta, wasiirada Maaliyadda Dalalka Carbeed iyo Madaxda IMF arrimaha horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo guulihii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gaartay qorshihii Deyn Cafinta ee soo gaba gaboobay dhammaadka sanaddii tagtay.

Wasiir Bixii Imaan ayaa xusay caqabadaha iyo samaynta dhanka dhaqaalaha ay ku yeelatay arrinta ka taagan Badda Cas oo bilihii u dambeeyay marakiibta isaga kala goosha ay  weerar kala kulmeen.

Kristalina Georgieva oo ah Madaxa Hey'adda Lacagta Adduunka ee IMF, oo dhankeeda ka hadashay shirkan ayaa dalalka carbeed ugu baaqday in ay abuuraan fursado dhaqaale oo lagu xoojinayo hannaanka ka soo kabashada aafooyinka, iyada oo fursado looga dhigayo bulshooyinka soo koraya.

Shirkaan ayaa ahaa meertadiisii 8-aad oo lagu qabanayo magaalada Dubai ee Imaaraadka Carabta.