4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 11, 2024
Dad isku qoys ah oo ku geeriyooday hoobiyaal lagu garaacay deegaanka Camaara
 

Axad, February, 11, 2024 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Camaara ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in Xalay ku dhawaad toban hoobiye lagu garaacay gudaha deegaankaas.

Hoobiyaasha lagu weeraray deegaanka Camaara ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray guryo dad shacab ah daganayeen.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in mid ka mid ah hoobiyaasha uu ku dhacay guri dad shacab ah dagan yihiin oo ay ku dhinteen Aabahii iyo hooyadii qoyska guriga uu madfaca ku habsaday, islamarkaana uu ku dhaawacmay wiil ay dhaleen.

Waxaa sidoo kale hoobiyaasha lagu garaacay Camaara ku geeriyooday haweeney kale oo hoobiyaasha mid ka mid ah uu ugu tagay hoygeeda.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee ku sugan deegaankaas ayaa sheegeen in weerarkaan hoobiyaasha ah ay ka dambeeyaan kooxda Al-shabaab ee laga saaray deegaanka.

Deegaanka Camaara ayaa waxaa saakay ka jira xaalado murugo leh, waxa uuna ka mid yahay deegaankaas deegaanadii ugu dambeeyay ee laga saaray kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta gobolka Mudug.