4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 11, 2024
Dowladda Imaaraatka oo ka hadashay weerarkii ka dhacay xerada Goordon ee lagu dilay saraakiil dalkeeda u dhashay
 

Axad, February, 11, 2024 (HOL) - Wasaaradda Gaashaandhigga Imaaraadka Carabta ayaa shaacisay inay geeriyoodeen saraakiil ciidan oo ka tirsanaa ciidamada qalabka sida ee Imaaraadka iyo sarkaal ka tirsan ciidamada Difaaca Baxreyn oo ay weheliyaan labo kale oo lagu dhaawacay weerarkii xerada Janaraal Goordan.

Wasaaradda waxay sheegtay in saraakiishaan ay geeriyoodeen iyagoo gudanayay waajibaadkooda ku aaddan tababarida iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, taasoo qayb ka ah heshiiska laba geesoodka ah ee u dhexeeya Imaaraadka Carabta iyo dowladda Soomaaliya oo ku qotoma iskaashiga milateri ee labada dal.

Bayaan ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga ayay Alle uga barisay Marxuumiinta in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo, waxayna tacsi u dirtay qoysaskii ay ka geeriyoodeen, kuwa dhaawaca ahna waxay u rajeeysay caafimaad buuxa.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in dowladda Imaaraadka Carabta ay sii wadayso isku xirka iyo wadashaqeynta ay la leedahay dowladda Soomaaliya ee ku aaddan baaritaanka falkan weerarka ah ee Alshabaab ay ka dambeyso.

Shalay maqribkii ayay ahayd markii askari katirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya oo lagusoo tababaray dalka Uganda, uu xerada Goordan gudaheeda ka geystay weerar ka dhan ah saraakiisha ajaanibta ah ee ku sugnayd xerada.

Warar aanu helnay ayaa waxay sheegayaan in askarigaan uu kamid ahaa rag horey isagasoo dhiibay kooxda Alshabaab.